DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo ka hadlay dad lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa wax laga xumaado oon aan marnaba la aqbali Karin ku Tilmaamay dhacdadii Maalmo ka hor duleedka dhuusamareeb loogu dilay dad shacab ah oo aanw axbo galabsan.
Afarta ruux oo shacab ah ayaa dhawaan lagu dilay deegaanka dhiin-Waris oo qiyaastii 18km dhinaca Bariga kaga began Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay aad uga xun yihiin dilka dadka rayidka ah loo geystay,dadkaasoo la sheegay inay kooxo hubaysan dileen wallow uusan wali maamulka shaacin sababta Rasmiga ah ee loo dilay.
Sh Maxamed Shaakir waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu baaritaan dhab ah ku sameynayo dadkii ka dambeeyay dilkaas,isla markaana ay diyaar u yihiin hadii gacanta lagu dhigo in cadaladda la horgeeyo lana Maxkamadeeyo.

Dad badan oo shacabka iyo masuuliyiinta Soomaalieed ka mid ah ayaa aad uga xumaaday dhacdada lagu dilay Afartaas Ruux o la sheegay inay kasoo jeedeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed,kuwaasoo ka Shaqeynayay Goob Shinida lagu xanaaneeyo,isla markaana malabka looga soo saaro oo ku taalay meel aan sidaasi kaga fogayn magaalada dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here