DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid oo uu wehelinayo Ku simaha Guddomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Wasiiro,Xildhibaano iyo Maamulka Caasimadda Galmudug ayaa booqday jiida hore ee dagaalka ee degaanada difaaca u ah Ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Ku xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa soo kormeeray Deegaano ciidamada qalabka sida ay kala wareegeen Dagaalameyaasha Al Shabaab ayago Ciidamada qalabka sida ku booriyay inay sii waddaan howlgalka AL-shabaab ka dhan ah.
Ku simaha Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigii u hoggaaminayay ayaa Hogaanka Saadka ee Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay sahay iskugu jirta Timir, Buskut, biyo iyo Caano waxana Madaxweynaha u balanqaaday Ciidamada inaysan kala joogsan doonin taageerada ay helayaan inta howlgaladaan ay ku sii jirayaan.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda dhexe ay ku soo jeeddaan magaalooyinka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Galmudug inay joojiyaan dagaallada ku saabsan anooyinka qabaailka taas badalkeeda ay ka qeyb qaataan dagaalka dhan ka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here