DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo soo saaray Xeerka aruurinta Canshuuraha

Wasaaradda maaliyadda Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo saartay xeerka hirgalinta qaadista Canshuuraha kaasoo sare loogu qaadayo dakhliga Soo gala maamulkaas.
Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Galmudug waxay Sheegeen inuu isbadal weyn ku yimid dakhliga gudaha uuna sare u kacay sidoo kalena ay doonayaan inay sii laba Jibaaraan shaqada si maamulka u Gaaro isku Filaansho dhanka Maaliyada ah.
Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug Farxaan Cali Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Galmudug ay dhintay canshuuraha laga qaado Gaadiidka adeegsada wadada dheer isla markaana ay doonayaa inay isku dheeli tiraan Dhaqalaha Guud iyo Canshuuraha laga Jari karo.
Wasiirka ayaa Xusay in dhammaan ganacsiyadda la doonaayo in laga qaado Canshuur, islamarkaana ay is diwaangaliyaan si loo dabaro waxyaabaha aas-aasiga ah ee maamulka Bushada u fidiyo.
Waxaa uu sidoo kale lasoo rogay sharci cusub oo qasbaya in goob walba iyo shaqsi walba oo shaqeeya canshuur laga qaado iyo in maamulku durbadiiba ku guulestay diyaarinta nidaam maaliyadeed aan horay u jirin.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya inuu qaado Canshuur ku filan si looga baxo dhibaatooyinka dhaqaallo xumo ee maamulka ragaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here