DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo Hirgaliyay xarunta Maaraynta Covid 19

Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka Maamul goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan wasiiro xilibaano iyo taliyaha booliska Galmudug ayaa xariga ka jaray xarunta Maareynta iyo Daaweynta dadka uu Saameeyay Cudurka COVID19 ee magaalada Galkacyo Xarunta gobolka Mudug.
Xaruntaan ayaa muhiim u ah bulshada kunool gobolka Mudug, maadaama aysan ku oolin xarun kale oo loogu tala galay in lagula cudurkaan
Hadal kooban oo halkaas uu ka jeediyey wasiiru dowladaha Caafimaadka Galmudug Axmed Shire Faafaale ayuu ugu mahadceliyey hay’ada IMC oo kaalin weyn ka qaadatay diyaarinta iyo Hirgalinta xaruntaan.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada ku nool deegaanada Maamulka Galmudug inay taxadaraaan Ayna u hogaansamaan tilmaamaha Caafimaadka ee ay bixinayaan dhaqaatiirtu iyo howladeenada kale ee Caafimaadka.

Xarunta cusub ee laga furay gaalkacyo ayaa la sheegay in lagu diyaariyey sariiro oxygen iyo agabka kale ee lagula tacaalo cudurka Covid19 waxaana sidoo kale diyaar ku ah shaqaale u diyaarsan inay la tacaalaan bukaanada usoo rito xanuunka aduunka dhan Halakeeyay ee Covid19.
Sidoo kale wasiirka amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay diyaarinayaan ciidan ilaaliya Xaduudaha Maamulka Galmudug.

Masuuliyiinta Cafimaadka Soomaaliland ayaa dhankooda waxay Maanta shaaciyeen Xaalado cusub oo ah cudurka Covid 19 oo deegaanadooda laga helay.
Baaritaankii 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey ayaa 15 qof laga helay Cudurka, dhamaantood waa dad Muwaadiniin ah sida ay gudiga Caafimaadka Soomaaliland Shaaciyeen.
Bukaanadaan 10 qof waa rag, halka 5 qofna ay dumar yihiin siddda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Da’da Bukaanadan cusub ee la shaaciyay ayay wasaaradu sheegtay inay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
Xaaladahaan ugu danbeeya ee Soomaaliland Shaacisay waxaay kala joogaan Hargeysa 8 qof , Burco 6 qof iyo Gabiley oo 1 qof uu ku sugan yahay.
Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasoo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Gudaha Soomaaliland 113.
Tirade guud ee daka xanuunka laga helay guud ahaan dalka Soomaaliya sida ay galinkii danbe ee Shalay ay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Shaacisay waa 2,642 xaaladood, 622 ayaa guud ahaan ka bogsootay halka dadka cudurka u Geeriday ay mareyaan 88 qof.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada dowlada Fedraalka Soomaaliya Fawsia Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo si bulshada loo badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here