DHAGEYSO:Maamulka garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo beeniyey in ciidamada Itoobiyo ee AMISOM ay halkaas isaga baxeen

Sida lagu sheegay warar lagu faafiyay baraha bulshada ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawl galka nabadsugidda ee AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa diyaarado lagu daad gureeyey waxaase warkaas ka hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ee caasimadd Galmudug.
Agaasimaha garoonka ugaas nuur ee Dhuusamareeb Cabdulaahi Xasan Nuur ayaa sheegay in wararka la baahiyey ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxaa uu xusay in dowladda Itoobiya ay mararka qaar ciidamo qaaddo xaalado caafimaad awgood.
Waxaa uu Khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here