DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo amar ku bixiyay in la xiro Hoteelada ku Yaala Xeebta Liido

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.
Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Xubno kale ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya Dunida.
Duqa Muqdisho ayaa amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax walba oo keeni kara Caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isugu gudbin karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan in irdaha loo laabo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulankaan warbaahinta u faah faahiyay ayaa sheegay in iyadoo la ogyahay in Caabuqa COVID19, si sahlan la isugu gudbin karo, ay hadana wadaan Wacyigelin ku aadan ka hortaga Caabuqa, horeyna loo fasaxay Iskuulada dalka si loo yareeyo isu imaatinka Bulshada, markalena ay soo saareen Amaro ku aadan in la yareeyo isku imaatinka Hoteelada iyo Maqaayadaha Muqdisho gaar ahaan kuwa ku yaalla Xeebta Liido.
Sidoo kale waxaa uu faray Bulshada inay u hogaansamaan fariimaha wacyigelinta ee Wasaarada Caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar,Iyadoo ay si wadajir ah Barnaamijyadaan wacyigelinta iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here