DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo amarro dul dhigay maamulada degmooyinka.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin kusimaha duqa Magaalada muqdisho ahna kuxigeenka dhanka Maamulka & Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan, Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti & Xubno kale ayaa waxay kormeer la xiriira dhinacyada Amniga iyo nadaafada ku tageen degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madaxdaan ayaa waxaay la kulmeen mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Hodan & Howl-wadaag oo ay kormeerka ku tageen, iyagoo kala hadlay Arrimo ay kamid yihiin dardar gelinta howlaha Amniga iyo nadaafadda degmooyinkaasi.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa fartay Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir inay u diyaar garoobaan bilic soo celinta iyo nadaafadda Gobolka.
Waxay sidoo kale Ganacsatada ku nool gobolka Banaadir ugu baaqday inay ka qeyb qaataan ololaha nadaafadda ee Magaalada muqdisho, isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in Magaalada Muqdisho ay noqoto meel ay ka jirto nadaafad darro baahsan.

Waddooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyo Goobaha Ganacsiga qaar ayaa waxaa ka jirta nadaafad darro, iyadoo aysan jirin cid xil gaar ah iska saartay wax ka qabashada iyo nadiifintooda marka laga reebo marar ay howlo nadaafadeed goobaha qaar ka fuliyaan Masuuliyiinta gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here