DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay fulinta amar ka soo baxay ra’iisul wasaare Rooble

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay fulinta Amarkii kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa inay waxka qabtaan biyaha roobka ee xiray qaar ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin uu kamid yahay kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Ahmed Xasan Iimaan ayaa waxaay kormeer ku tageen xaafadaha qaar iyo wadooyinka ay Biyaha Fariisiga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyintaan oo fulinaya Amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay inay Biyaha Booyada uga qaadaan wadooyinka, KM4, Ceelqalaw, Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiyo iyo kuwo kale oo dhibaatooyin dhanka maritaanka ah uu ka jiray.
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in waddooyinkaas Biyaha laga qaaday ay mari doonaan Gaadiidka & dadka Shacabka ah,waxaana dadka wax heysta uu ugu baaqay inay u gurmadaan dadka kale uu saameynta ku yeeshay roobkii ka da’ay Magaalada muqdisho.

Roobkii ka da’ayay 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen inay xirmaan waddoyin muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda, isla markaana wax gaadiid ah aysan isticmaalin ayadoo dhanka kale Qoysas danyar u badan ay guryahooda ka barakaceen biyaha awgood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here