DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo digniin u diray kooxa dadka ku dhibaateeya Magaalada Muqdisho

Maamulka degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha degmadaasi si uu ugu kuurgalo amniga iyo horumarka degmada ka socda, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Shacbaka ka cabanayeen Kooxo dhac geysanaya oo degmada ku soo badanaya.
Maamulka degmada Dharkeenley waxaa kormeerkaasi ku wehlinaaye qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ee qeybta ah golaha iskaashiga degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Dharkenley Abuukar Axmed Cadow ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan Kooxaha hubeysan ee dhaca u geysanaya Shacabka ku nool degmada Dharkaynleey iyo cid kasta oo falal Amni darro ka geysta degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Xakiin Dhagajuun oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha dgemooyinka gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in Maamulada degmooyinka ay iska kaashan doonaan dhinaca Amniga si wada jir ahna kaga hortagayaan cid kasta oo lidi ku ah Amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Hadalka digniinta ah ee kasoo yeeray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa kusoo aadayaa xilli Shacabka ku nool degmooyinkaas ay saacadihii la soo dhaafay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya oo ku soo badanayay degmooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here