DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay Saamaynta ka dhalatay roobab Xooggan oo xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka da’ay roob xoogan oo saameyn ku yeeshay Guud ahaan magaalada gaar ahaan dadka danta yar ee ku nool Caasimadda.
Roobkaas ayaa burburiyay wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho qaarkoodna uu Biyo dhigay, waxaana sidoo kale uu saameyn ballaaran ku yeeshay Roobka qoysaska danyar ah ee ku nool qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray degmooyinka qaar ee qoysaska degan uu saameynta ku yeeshay roobka,kadib markii guryahooda ay biyuhu ugu galeen.
Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi iyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa waxay sheegrrn inay u gurmadeen qaar kamid ah Qoysas ku nool degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.
Waxay sidoo kale Xuseen in Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

Wadooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ayaa xilliyada roobka xirma,kuwaas oo markii hore helin dhismo wanaagsan,waxaana taasi ay dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here