DHAGEYSO:Maamulka Gobolka Banaadir oo ka mahadceliyay Matalaada

Xarunta golaha Murtida iyo Dhaqanka qaranka Soomaaliyeed ee Tiyaatarka ayaa Xalay lagu qabtay munaasabad uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir oo loogu mahadcelinayay baarlamaanka golaha shacabka Soomaaliyeed ee meelmariyay matalaada uu gobolka Banaadir ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa u mahadceliyay xildhibaanada golaha shacabka ee Meelmariyay Mataalada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka Sare.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sh C/raxmaan ayaa isna sheegay in markasta baarlamaanku ka shaqaynayaan Danaha shacabka gudoonkooduna arintaas ku hogaaminayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here