DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo muwaadin Soomaaliyeed dib ugu Celiyay gurigiisa oo mudo laga Haystay.

Maamulka Gobolka banaadir oo kaashanaya waaxyaha Cadalada iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay inuu dib ugu soo celiyo muwaadin Soomaaliyeed gurigaasi oo mudo 28 Sano ah xoog looga haystay.
Shaqsiga gurigaas Xooga ku haystay ayaana sidoo kale ka mid ahaa Ciidamada Soomaaliya wuxuuna ahaa laba xidigle Booliska ka tirsan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisgo ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegay inay qasab waajib ah tahay in muwaadin kasta uu cadaalad helo uusana jirin doono qof magaca ama xil xoog ugu haysan karo xoolo uusan lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here