DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo saaray Sahan la xiriira Covid 19

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo bandhigeen natiijo ka soo baxday SAHAN dadweyne oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Sahankaan ayaa ku saabsanaa Cudurka Covid 19 iyadoo dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxay u yaqaanaan CoVid19 iyo sida uu Sameynta ugu yeeshay noloshooda caadiga ah ee bulshada ku nool Caasimada.
Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 Warbaahin oo maxalli ah halkaasoo ay dadka ku soo diriyeen fariimo ay uga soo jawaabayeen su’aalihii la weeydiiyay ee ku saabsanaa cudurka COVID-19.
Sida ka muuqatay natiijada Sahanka uu Sameeyay maamulka Gobolka Banaadir, dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa Caabuqa CV19 taasoo tusinaysa in maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigalin ballaaran oo ku aadan COVID-19, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya.
Dhanka kale qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Muqdisho ayaa ka hadlay rajada ay ka qabaan shirka Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa qaranka Soomaaliya lagu wado inuu dhawaan uga furmo Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here