DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay dhisayaan Waddooyinka Caasimadda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan ay bulshada ku Nool degmada Waabari kusoo gudbinayeen baahiyaha kajira degmada ee u baahan in wax laga qabto.
Gudoomiyaha degmada Waabari wuxuu sheegay inay waxyaabo badan qabteen waxa dhimana ay sii wadayaan wallow ay dhanka kale Jiraan Caqabado ay ka mid yihiin cudurka Covid 19 iyo waxyaabo kale.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Maamulka gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka ayaa labaduba sheegay inay muhiimada gaar ah leeyihiin dhismayaasha Wadooyinka Magaalada iyo hagaajin Bilicdo oo xiliyada ay roobabku ka da’ayaan dhibaatooyin badan ay ka dhashaan iyagoo tilmaamay in iskaashiga maamulka iyo Bulshada guulo badan lagu gaari karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here