DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay ka Hortagayaa weerarada Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab qorsheeynayaan weeraro abaabulan oo ay ka geystaan Magaalada muqdisho taasina ay tahay arin nasiib-darro.
Waxaa uu sheegay in shabaab ay ku dhiiradaan xilligaan inay degmooyinka Gobolka Banaadir qeybo kamid ah weeraro ka fuliyaan aysan aheyn mid suurtagal noqon karta,isla markaana Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan falkasta oo ay damacsan yihiin AL-shabaab.
Sidoo kale gudoomiyaha Caasimada Soomaaliya waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha Amniga ay ka hortegi doonaan fal kasta oo ay isku dayaan Al-Shabaab,isla markaana la xoojin doono amniga koontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay kadib Booqasho uu ku tagay qaar ka mid Koontroolada Magaalada Muqdisho wuxuuna u koor galayay shaqooyinka ka socda meelaha laga soo galo Caasimada.
Hal asbuuc gudihiisa Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa labo Xubnood oo ka tirsan Dagaalameyaasha AL-shabaab waxay ku toogteen degmooyinka dayniile iyo Wadajir,kadib markii Sarkaal ka tirsan Ciidamada Miinashiibiyaa isna lagu dilay degmada Wadajir.
Sidoo kale maalinimadii shalay ahayd ayaa bar-koontrool oo ku taala degmada dayniile waxaa soo weerara xubno la sheegay inay shabaab ka tirsanaayeen ayadoona halkaas looga dilay dhowr qof ayadoo goobtaasna ay ka mid tahay meelaha u Xalay Booqday gudoomiyaha gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here