DHAGEYSO:Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobaha la isugu yimaado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku dhawaaqey in gebi ahaanba la joojiyo goobaha Bulshada isugu timaado iyo in lagu dabaasho Xeebta Liido ee Magalada Muqdisho si looga hortago faafintaanka Cudurka Covid 19.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la wadaagay go’aamo kasoo baxey Maamulka ayaa sheegay in dhamaan la xirayo Baararka iyo maqaayadaha dadka ay isugu yimaadaan ee lagu caweeyo ee ku yaalla Xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir in liido aan la geli karin laga bilaabo 6:00 subaxnimo ilaa 10: 00 Fiidnimo muddo laba Todobaad ah.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in la farayo Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho inay yareeyaan kulamada isu imaatinka dadweynaha ah go’aamadaas oo uu sheegay inay yihin kuwo looga hortagayo Cudurka COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here