DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo banaanbaxyada mamnuucay

Maamulka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa dadka ku nool Magaaladaasi uga digay inay qabtaan banaanbax Aysan ogayn masuuliyiinta amaanka iyo kuwa maamulka
Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Cismaan Dhicisow Dhuubow ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu amray inaan babaanbaxyadaas lagu qaban karin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in cid alaala iyo cidii isku dayda in Magaalada Beledweyne ay ka abaabusho ama ku qabato banaanbax ay Mamaulka talaabo sharci ah ka qaadi doonaan sida uu hadalkiisa u dhigay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Booliska Magaalada Beledweyne ay joojiyeen dibadbax abaabulan oo la doonayay in laga dhigo Magaaladaasi Beledweyne,kaasoo la sheegay in lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Soomaaliya,waxayna hay’adaha amaanka sheegeen inuu sharci daro ahaa maadaama aan lagu soo wargalin ayaguna amaanka Magaalada Ka Masuul yihiin sidoo kale isla xiligaas ayaa waxay Saraakiisha amaanku sheegeen inay heleen warbixin la xiriirta inay Magaalada Beledweyne soo galeen Gawaari Qaraxyo wada taasoo keebtay in Banaanbaxyada la joojiyo maadaama ay jiraan warbixinadaas dhanka amaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here