DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo cadeeyay Mowqifkooda sharciga doorashooyinka

Madaxweyne kuxigeen Maamul Goboleed Soomaaliyeed ee Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe)ayaa cadeeyey mowqifka Maamulka Hirshabeelle ee ku saabsan doorashada soo socota oo Madaxda Dalka Soomaaliya ugu saraysa ay sheegeen inay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.
Cali guudlaawe waxaa uu xusay inay taageerayaan,isla markaana raali ka yihiin howlaha uu hayo Gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulamo wacyi gelinta doorashoyinka ah ka wada Maamul Goboleedyada ka jira dalka.
Sidioo kale wuxuu cadeeyay in Maamul Goboleedka Hirshabeele ay ayidsantahay sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka dowlada federalku meel mariyeen sidoo kalena uu Madaxweynuhu saxiixay.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne kuxigeen Hirshabeele Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) waxaa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka shabeelada dhexe halkaasoo ay maalmo ka hor gaareen Xubnaha Gudiga doorashooyinka qaranka oo hada ku wareegaya maamul Goboleedyada si bulshada loogu WacyI galiyo inay ka qayb qaataan doorashada qaranka ee fooda ku soo haysa.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in hogaamiyeyaasha maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay dhaliileen kana soo horjeesteen Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena uu saxiixay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here