DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo howlgalo guud bilaabaya

Kadib kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo uu guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa kulankaas laga soo saarey qodobo ay kamid yihiin in la bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarey arrimaha Amniga,isla markaana Warbixino dhanka Amniga ah oo la soo gudbiyay lagu cadeeyey in dhamaan deegaannada Hir-Shabeelle ay yihiin kuwo amni ah.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in shirka lagu iclaamiyey in la bilaabo howlgal guud oo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay gacanta ku hayaan ee Hir-Shabeelle.
Si kastaba tira dhowr jeer ayaa Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle waxa ay shaciyeen in la bilaabi doono howlgal Shabaab looga saarayo deegaannada ay maamulaan,hayeeshee weli aysan dhicin,iyada oo Maalin ka hor wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad uu weerar ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here