DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Qoraal ka Soo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi,oo ku aadanaa in la qabto shir ay arrimaha doorashooyinka qaranka uga tashanayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Goboleedyada.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle oo ku qornaa Soomaali iyo English ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan Go’aanka guddoomiyaha Aqalka Sare ee wadatashiyada loogu Yiiray hogaamiyeyaasha Soomaalida,isla markaana loo turo Shacbaka Soomaaliyeed danta gaarka ahna laga hormariyo danta Guud.
Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in si shuruud la’aan ah ay uga qeyb-geli doonaan Shir kasta oo looga tashanayo arrimaah doorashoyinka iyo howlaha masiiriga ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay halkaas ka socdeen qaban qaabada banaanbax la sheegay in lagu taagerayo Madaxda Dowladda Federaalka,hayeeshee uusan wali qabsoomin.
Taliska Booliska Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamo farabadan oo Booliis ah geeyay Goobo loo qorsheeyay inuu banaanbaxaasi ka dhaco.
Taliyaha Ciidaka Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux cabdi Mahadalle ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin banaanbaxyo sharci darro ah oo lagu qabto Magaalada Beledweyne,isla markaana banaanbax aan la ogeysiin laamaha amniga aan la qaban karin.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Hiiraan oo goordhaw Wariyeyaasha kula hadlay fogaarayaal xalay lagu balamiyay banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Muxaafid iyo Mucaarad aan ogalaansho ka heysan Hir-Shabeelle dhigi karin wax banaanbax,waxayna sheegeen inay jiraan Gawaari qarax ah oo ku jiro Magaalada Beledweyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan wadooyinka Magaalada Beledweyne ay xiran yihiin,kadib markii la dhoobay Ciidamo farabadan oo ka mid ah booliska Hirshabeelle.
Sidoo kale Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Puntland ay joojiyeen banaanbax kale oo lagu taageerayay dowladda Soomaaliya,kaasoo ka socday degmada Xingalool ee gobolkaasi Sanaag.
Ciidamada Ammaanka oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay tageen halka uu banaanbaxa ka socday,iyagoo kala eryay dadka dhigayay banaanbaxaas.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu ay sidoo kale xir xireen qaar kamid ah dadkii mudaharaadayey,kuwaasoo la geeyay Saldhiga Magaalada Xingalool.
Maalin ka hor Ciidamada Puntland waxaay joojiyeen banaanbax kale lagu taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya,hayeeshee deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag uu ka dhacay banaanbaxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here