DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay deegaanadooda shabaabku dhibaatooyin ku hayaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in deegaannada Maamulkaas dadka ku nool ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan shabaabka deegaano badan oo hirshabeelle ka tirsan Gacanta ku haya.
Waxaa uu Tilmaamay Wasiirku in Maamulka Hir-Shabeelle culyeska ugu badan ee haysta uu yahay Amniga, lana awoodi waayay in dadka qaarkood la gaarsiiyo deeqaha mucaawinada ah ee loogu talo galay.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle in dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee ka howlgallayay Gobolka Shabeelaha hoose culeys ay kala kulmeen Ciidanka Xoogga dalka ay u soo wareegeen dhinaca deegaannada hir-Shabeelle dhibaatada ugu darana ay haatan ku hayaan dadka deegaannada Maamulkaas,isgoo ku baaqay in la iska kaashado dagaalka shabaabka ka dhanka ah ee deegaanada Hirshabeelle maadaama ka maamul ahaan aysan awoodin.
Cod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here