DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay dhibaato ka dhalatay Fatahaadaha

Masuuliyiinta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa sheegay in kadib fatahaado Xooggan oo Wabiga shabeelle uu ka sameeyay deegaano Maamulkaas ka tirsan ay ka dhalatay Saamayn Balaadhan Sidoo kalena aysan waxba ka qaban Karin heerka Fatahaad ka maamul ahaan.
Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maamulka Hirshabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xiligaan dhibaatooyin aad u daran ay wajahayaan dadka fatahaada ku barakacay ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan Tuulooyin hoos taga degmooyinka Jowhar,Balcad iyo Mahadaay oo dhamana ka wada Tirsan gobolka shabeelada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here