DHAGEYSO:Maamulka Hirshabelle oo Gurmed deg deg ah Dalbaday

Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle,islamarkaana dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen guryahooda xaalado adagna ay wajahayaan.
Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Wuxuu sheegay in degmada Mahadaay iyo degaannada hoostaga ay tahay meelaha ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay,isla markaana dhul beereed farabadan uu baabi’iyay dadkii deganaana ay aadeen deegaano kale.
Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo dadkaasi caawin karta ayuu ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ka barakacay degmada Mahadaay iyo deegaannada kale ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaano badan oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayuu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle,waxaana uu sababay barakaca boqolaal qoys ah,kuwaasoo xaalado nolol xumo ay ku heysato deegaano ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ee ay u barakaceen.
Dhanka kale gobolka shabeellada dhexe iyo guud ahaan deegaanada Maaamulka Hirshabeelle ayaa laga dareemayaa Hoos u dhac dhanka Ganacsiga ah kadib Saamaynta ka dhalatay Fayraska Corona iyo fatahaadaha Wabiga shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here