DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo awaamiir amniga la xiriirta Soo saaray.

87

Taliska Ciidanka Booliska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaciyey inay dejiyeen qorsho lagu sugayo amniga deegaanada maamulkaasi,iyagoo sidoo kale soo saaray digniin ka dhan ah dadka ku howlan falalka lidiga ku ah amniga xilli dhawaan ay deegaanada maamulkaasi ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Naasir guuleed ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay qorsheeyeen Al-Shabaab xiliga Bisha Ramadaan,isla markaana ay ciidamadu u diyaarsan yihiin sugida amniga,isaga oo digniin u diray dad xilliyada Bisha Ramadaan fura Maqaayadaha ee Cuntada kariya amaba goobaha bulshada dhexdeeda ah cuntada ku cuna.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay sugayaan Amniga musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee tagaya Magaalada Kismaayo, si doorasho xor iyo xalaal ah ay uga dhacdo halkaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr mar ku cel celiyey inay mar walba sugi doonaan amniga musharixinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland iyo guud ahaan amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here