DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo dowladad dhexe ku eedeeyay inay barakicin ka wado gobolka Gedo

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadley arimo ku saabsan xaaladda Gobolka Gedo oo dagaalo ay ka dhaceen, dagaalka uu Maamulkiisu kula jiro Al-Shabaab iyo qodobo kale wuxuuna eedaymo u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay xaalada gobolka Gedo ayaa sheegay in Gobolkaas uu kamid ahaa meelaha ugu nabdoon Koonfurta Soomaaliya,balse ay xaalad amni darro ka abuurtay dowladda Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa uu Xusay in degmooyinka,Doolow,luuq iyo Beled-xaawo ee ka wada tirsan Gobolka Gedo aysan xilligaan ka jirin wax amni ah,isla markaana dad ka badan 55 Kun oo ruux oo deganaa degmooyinkaas ay isaga barakaceen,kadib markii sida uu hadalkiisa ku sheegay in Ciidamo dowladda Diyaarado ku gaysay.
Maamulka Jubbaland ayuu sheegay inay dhowr mar isku dayeen in wada-hadal lagu xaliyo waxa ka socda Gobolka Gedo,hayeeshee aan laga aqbalin sidoo kale ay jirtay baaqyo ka yimid Beesha Caalamka.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay hada gacanta ku hayso degmooyinka gobolka Gedo,sidoo kalena duleedka Beled-Xaawo ay ku dagaalameen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda walow looga awood roonaadey kuwa Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here