DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo ka hadlay arimaha amaanka dhismaha Maamulada deegaanada Hoose

Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalaldii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Amaanku ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolada deegannada iyo Jubooyinka duqaymaha ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-shabaab iyo guud ahaan Howlgalada amaanka ee ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaas.
Wasiirka Wafaafinta Jubbaland ayaa sheegay in duqeymahaas lagu bartilmaameestay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee uusan shaacin Magacyada Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymihii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanadaas.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in duqeymaha ugu badan ay ka dhaceen degaanno hoostaga degmada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray Ururka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here