DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo ka Hadlay Nabadoon Xalay lagu dilay Kismaayo.

Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa waxay canbaareeyeen dil Xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo
Kooxihii ka dambeeyey dilka Nabdoonka ayaa goobta ka baxsaday, howlgal kooban ayayna sameeyeen Ciidamada Jubbaland wallow aysan wali sheegin dad ay Dilkaas u soo qabteen.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada maamulka Jubbaland uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.
Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha Amniga ay haatan wadaan baaritaanno ku saabsan sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyey dilka Nabadoonkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here