DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo sheegay inay ayaxa dhibaato ku qabaan

Ayadoo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya uu dhibaato Ba’an ku hayo cayayaanka Ayaxa sidoo kalena ay jiraan dadaalo ku aadan la dagaalankiisa oo wadanka ka socda ayaa waxaa dhibaatada deegaanada maamulka Jubaland uu ku hayo faahfaahin ka bixiyay wasiir ku xigeenka Beeraha ee Maamulka Jubaland.
Wasiir ku xigeenka beeraha maamulka Jubaland Mahad Muxyadiin Maxamed ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan la dagaalankas Ayaxa si uusab dhibaato dheeraad ah u gaadhsiin dhulka uu ku habsaday.
Wuxuu sheegay inay jiraan kooxo loo Tababaray buufinta Ayaxa bulshadana wacyigalin loo sameeyay shaqada Buufinta Ayaxana ay dhawaan ka bilaaban doonto deegaanada maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here