DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo sheegay inay baarayaan Masuuliyiin Musuq looga shakisan yahay

Xeer ilaalinta Maamul Goboleedka Jubaland ayaa shaaciyay inay baaris ku bilaabeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, oo looga shakisan yahay inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq iyo wax isdaba-marin.
Xeer Ilaaliyaha Maamulka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in aysan jirin cid ka weyn sharciga, isla markaana Xafiiskiisu uu bilaabay baaritaannada la xiriira dad galay dambiyo kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa la xiriira musuq maasuq.
Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Hay’adaha garsoorka Maamulkaas ay bilaabaan dacwad loo haysto dadka looga Shakisan yahay ku lug lahaanshaha dambiyo kala duwan, sida kuwa madaniga ah iyo kuwo kaleba si cadaalad loo helo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ma shaacin Magacyada mas’uuliyiinta ka tirsan Jubbaland ee ay baarista musuqmaasuq ku bilaabeen, hayeeshee wuxuu cadeeyay inay wadaan howlaha baarista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here