DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo Soo saaray qodobada ay shirka dhuusamareeb ku dhaliilsan yihiin

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa war ka soo saartay mowqifkooda ku aadan shirka Dhuusamareeb 3 oo Xalay laga daah furay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamul goboleedka Galmudug.
Jubbaland Waxay ugu baaqday Beesha Caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomida shirkaas oo noqda Mid loo dhan yahay, lagana mira dhaliyo natiijooyinkiisa.
Jubbaland waxay sheegtay in wixii ka dambeeyay Shirkii Dhuusamareeb 2 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu qaaday waxa loogu yeeray tilaabooyin lagu burburinaayay qodobadii lagu heshiiyay si loo gaaro Shirka Dhuusamareeb Saddex oo lagu mideysan yahay.
Sidoo kale waxay Jubaland dowlada dhexe ku eedaysay inay fursad siisay Al-Shabaab, islamarkaana degmooyinkii ugu Ammaanka badnaa dalka oo ay ka mid tahay degmada Beledxaawo Shalay kaliyah lagu dilay Qarax in ka badan 10 ruux
In meesha laga saaray Xukuumaddii hoggaamin laheyd Shirka, islamarkaana aan lasoo Magacaabin xukuumad kale oo howlahaan sii anba qaada.
Waxay Jubaland ku eedaysay In uu si cad Madaxweyne Farmaajo ugu xadgudbay Mataalada Aqalka Sare ee ku xusan dastuurka dalka Soomaaliya u yaala ee KMG ah.
Warsaxaafadeedka Jubaland ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb 2 in Madaxtooyada Soomaaliya faragalinta ka joojiso maamul goboleedyadda gaar ahaan Jubbaland, ayagoo sheegay inay ss xoojisay faragalinta gobolka Gedo sida hadalka loo dhigay.
Ugu dambayntii war saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Jubaland oo isugu jiray qodobo eedaymo ah iyo kuwo cabasho ah ayaa waxaa lagu sheegay In la iska indho tiray baahida loo qabo heshiis Siyaasadeed oo laga gaaro doorashada 2020-2021, taa badalkeedana Hay’ad gaar ah looga dambeeyo in lagu xadiday Sida golaha Shacabka.
Dhanka kale guddiga gaarka ah ee loo xil saaray ka baaraan dagida arimaha doorashada Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee umadda Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay soo qabteen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here