DHAGEYSO:Maamulka NTSA oo uu yeeray saraakiisha laba shirkadood oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa u yeeray saraakiisha shirkadaha basaska rakaabka dadweynaha ee kala ah Neo Kenya Mpya Commuter Limited iyo Joy Kenya Services Limited kaddib rabshadihii shalay gilgilay degmada Kenol ee ismaamulka Murang’a.
Basaskan ayaa looga shakisan yahay in lagu soo qaaday dhalinyaradii dhibaatada gaystay.
Bayaan uu maamulka NTSA maanta soo saaray ayuu ku sheegay in saraakiisha baabuurta dadweynaha ee (PSVs) looga baahan yahay inay soo bandhigaan waxa ay ka ogyihiin qalalaasihii shalay dhacay.
Mas’uuliyiinta shirkadda basaska dadweynaha ee Neo Kenya Mpya ayaa dhankooda iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay oo ah in shalay la kireystay qaar ka mid ah baabuurtooda kaddibna rakaabkii saarnaa ay rabshado kiciyeen.
Waxay sheegeen in eedeymahaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo ganacsigooda.
Sido kale saraakiishan ayaa cid kasta oo eedeynaysa ka dalbaday inay soo bandhigto cadeymo wax ku ool ah.

Shalay subax ayey ahayd markii dhalinyaro ay xireen wadada Kenol ee Murang’a ka hor inta uusan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu munaasabad uga qeyb galin kaniisad ku taala halka ay rabshaduhu ka dhaceen.
Rabshadahaasi ayaa waxaa ku dhimatay Laba qof dhowr kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray waxayna wararku intaa ku darayaan in la baabi’iyay hanti aan weli qiimaheedu la shaacin.
Abaanduulaha booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo xiro xildhibaanka Kiharu Ndindi Nyoro iyo dhigiisa Kandara Alice Wahome sababo la xiriira inay qorsheyeen qalalaasihii shalay.
Labada xildhibaan ayaa maanta la filayaa in ay hortaggaan xarunta waaxda dambi baarista (DCI) ee ismaamulka Nyeri si su’aalo looga weydiiyo dhibaatadii ka dhacday ismaamulka laga soo doortay.
Abaanduulaha booliska ayaa sidoo kale faray Agaasimaha waaxda sida gaarka ah u eegta arrimaha gudaha ee booliska (IAU) iyo laba sarkaal oo sare oo ka tirsan DCI inay baaraan arrintaan oo ay maxkamad soo taagaan kuwii ka dambeeyay.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay siyaasiyiinta inay ka waantoobaan hadallada nacaybka iyo kala qaybsanaanta keeni karo, isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid walbo oo ku lug leh falalka khalkhal gelinaya xasiloonida guud iyo wadajirka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here