DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo fasaxay Keenista Qaadka deegaanadiisa

Wasiirka Caafimaadka Maamul goboleedka Puntland Dr Faarax Jaamac Xasan oo kamid ah guddiga ka hortaga cudurka Safmarka ah ee COVID-19 ayaa ku dhawaaqay go’aano lagu qafiifinayo bandowgii saarnaa Magaalooyinka Maamulka Puntland iyo jaadkii laga joojiyey deegaanada Maamulkaaso.
Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayuu ku sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay isku furan yihiin isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore la joojiyey sidoo kale la fasaxay keenista deegannada Puntland jaadkii isna laga hakiyay sababo la xiriira cudurka COVID 19.
Go’aamadaan ayuu sheegay Wasiirka in looga gol leeyahay maadaama ay soo dhawyihiin maalmaha farxadeed ee Ciida Bulshada Puntlandna la doonayo inay si wanaagsan u Ciidaan,sidaasina lagu qafiifiyay Go’aamadii horay loo soo rogay.

Masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland ayaa maalin ka hor shaaciyay in la fasaxay jaadkii (Qaadkii) la keeni jiray deegaanadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here