DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo ka digaya dib u dhac ku yimaada Doorashada qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa ka hadlay Aragtida Maamulka Puntland ay ka qabaan Dib u dhac ku yimaada qabsoomida Doorashada Soomaaliya sanadka 2021, maadaama ay jiraan kiisas la xariira Cudurka Coronavirus oo laga helay gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ay tahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah inay qabtaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada,isla markaana aysan ogolaan doonin in,iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo Cudurka COVID19 doorashada dib loo dhigo.
Waxaa uu intaasi ku darey in hadii ay madaxda Dowladda ay isku dayaan inay sameeyaan muddo wax kororsi ah ay sababi karto in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo xasilooni darro iyo is qab-qabsi siyaasadeed.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa sheegay in xaalada la xiriirta dhinaca Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya hadii ay noqota mid kasii darta ay u baahan tahay in wadatashi laga galo sida laga yeelayo doorashooyinka qaranka,hayeeshee aysan suurto gal ahan in dad gaar ah siday doonaan ka yeelaan arimo masiiri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here