DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo ka hadlay warar sheegayay in dekadda Boosaaso caqabado ka jiraan

Kadib markii Maalmhii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dekadaha Magaala Xeebeeda Boosaaso ee Xarunta gobolka Caqabado ka jiraan ayaa waxaa arintaas ka hadlay Masuuliyiinta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Wararka ayaa sheegayay in markii hore Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay Ciid ku Buuxsantay marinka gaadiidka ee dekedda,iyadoo ugu dambeyn dib looga saaray,waxaana Puntland ay uga digtay Ganacsatada waxyaabo sababi karo arrintaan oo kale.
Wasiir kuxigeenka dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Puntland ayaa sheegay in baraha Bulshada lagu faafiyay wararka sheegaya in dekadda Magaalada Boosaaso ay xirantay,hayeeshee warkaasi aysan waxba ka ka jirin, dekaddana ay si caadi ah u Shaqeyneyso.
Waxaa uu Xusay in howlaha dekadda Magaalada Boosaaso ay sidoodi u socdaan,sidoo kalena Amniga iyo Shaqooyinka dekada ay yihiin kuwo la isku haleen karo oo aysan wax Caqabad ah ka jirin.
Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa wuxuu ugu baaqay Ganacsatada inay la soo xiriiraan Wasaaradda,isla markaana ay iska daayaan wararka dadka qaarkood ay faafinayaan ee Marin habaabiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here