DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo sheegay in Dowladda Fedearalka wado Arrimo dagaal sababi kara

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowlada Soomaali,isagoo sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay u wajaheysa wada-hadalladaaas ay yihiin kuwo aan wanaagsaneyn.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula xiriireyso Odayaasha iyo Beelaha qaar ee Soomaaliland halkii ay madaxda Maamulkaasi la hadli laheyd sida uu hadalkiisa u dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa intaasi ku daray in Puntland ay dowladda Federaalka uga dambeyneyso wada-hadallada,hayeeshee ay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan.

Hadalka Madaxweynaha Mamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saddexdii sano ee la soo dhaafay ay kahad ku jireen wada-hadaladii ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here