DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo sheegay inay dhisayana Deked ay ku baxayso 180 Milyan oo Dollar

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo warbixin ka siiyey dhismaha Dekaddaas iyo halka ay hada wax u marayaan.
Guddiga dhismaha Dekadda Magaalada Garacad ayaa Madaxweyne Dani la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda oo ay la sheegay inay ku baxayso $180 Milyan, waxayna guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha Maamulka mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay mareyso.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.
Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Magaalada Garacad.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sharaxaad ka bixiyay kulanka Deni, Waxgaradka gobolka Mudug iyo qodobadii kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here