DHAGEYSO:Maamulka Soomaaliland oo dowlada dhexe eedaymo u jeedisay.

Kadib markii maalinimadii Shalay ahayd dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Jamhuuriyada Guinea oo ku yaalla Galbeed Qaarada Afrika,ayaa waxaana go’aankaas ka soo horjeestay maamulka Soomaaliland oo Madaxweynahooda uu haatan ku sugan yahay dalka Guinea ee xiriirka loo Jaray.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon) isna ku sugan isla dalkaasi Guinea ayaa ku eedeeyay inay dowladda Soomaaliya maamulka Soomaaliland ku hayso waxa uu ku Tilmaamay go’doon,isla markaana ay kasoo horjeedo sida uu hadalkiisa u dhigay horumarkooda taasina ay tahay mid ay ku sii kala fogaanayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in Soomaaliland dalal dhowr ah oo Afrika iyo dalal kale ee caalamkaba ay xiriir wanaagsan la leedahay,hayeeshee dowladda Soomaliya ayuuu xusay inay arintaan ku sababi doonto inay dalal badan xiriirka u jari doonto.

Shir Jaraa’id oo uu shalay Xafiiskiisa Muqdisho ku qabtay wasiirka wasaarada arimaha dibada ee dowlada fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayuu ku sheegay inay cilaaqaadkii u gooyeen dowlada Guinea eek u taala Galbeedka qaarada Africa.
Go’aanka Dowladda Federaalka ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea ayaa loo sababeeyay inuu ahaa kadib markii Madaxweynaha maaamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu laba Cisho ka hor safar ku tegay dalkaasi Guinea,isla markaana loo soo dhaweeyay sida Madaxweyne dal kale oo booqasho rasmi ah ku yimd wadank.
Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa dhankooda sheegaya inuusan jirin markii horeba wax cilaaqaad diblomaasi ah oo ka dhexeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Guinea marka laga reebo inay ka wada tirsan yihiin ururka midowga Africa maadaama aysan Safaarad iyo qunsoliyada midna kan kale ku lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here