DHAGEYSO:Maamulka Star FM oo u mahadceliyay dhagaystayaasha idaacadda

Maamulka warbaahinta Star ayaa dhagaystayaasha idaacadda iyo daawadayaasha telefishinka STN uga mahadceliyay sida joogta ah ee ay xiranyihiin.
Agaasimaha guud ee idaacadda Maxamad Xassan Cismaan ayaa dhagaystayaasha iyo shaqaalaha idaacadda ugu hambalyeeyay sanadguurada 15-aad ee maanta loo dabaaldegaya.
Waxaa uu sido kale faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay in Star FM la billaabo, caqabadihii jiray iyo sirta la xiriirta in idaacaddu ay weli shaqaynayso oo ayna meelo badan gaartay

Idaacadda ayaa sannadkii 2005-tii laga furay magaalada Garissa waxaana tan iyo xilligaas dhacay isbeddelo iyo horumar ballaaran.
Waxyaabaha ay bulshada ku ammaanto idaacadda Star FM waxaa ka mid ah tafsiirka quraanka ee ay siidayso , dadka tabalaysan oo ay cabashadooda soo bandhigto iyo heesaha oo aan ka bixin.
Guddoomiyaha Idaacadda Xaaji Maxamuud Cabdullahi ayaa ka warramaya arrimahan iyo wax u qorsheysan

Qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ayaa nala wadaagay dareenkooda ku aaddan sanadguurada 15-aad ee idaacadda ay maanta u dabaal dagayso

Sheekh Cali Guure waxaa uu ka mid yahay culimada ismaamulka Garissa wuxuuna ka hadlayaa waxa ay idaacadda ku soo kordhisay bulshada

Waxaa dhanka kale jiro qaar ka mid ah ganacsatada oo ay Star FM badeecooyin ama adeegyo u xayaysiinaysay muddo dheer, dareenkooda ayna nala wadageen

Shaqaalaha ugu mudada dheer ee idaacadda waxaa ka mid ah Maxamad Ciise Xuseen waa sidee dareenkiisa maanta

 

Waxaa sido kale noo suurtagashay inaan wareysano dhagayste ku sugan ismaamulka Mandera oo 15 sano na dhagaysanayay

Cabdinaasir Axmad Barkhadle waa hal abuur ka mid ah howlwadeenada idaacadda wuxuuna tixdan ka tiriyay sida Star FM ay u haqabtirtay baahida bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here