DHAGEYSO:Maanta oo dalka loo qabnayaa duco qaran dalka ugu faafin cudurka dilaaga ah ee CoronaVirus

Madax kala duwan ayaa maanta isugu timid aqalka madaxtooyada ee looga arrimiyo State house waxaana hogaaminayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Sido kale waxaa kulanka duacada ah dalka loogu qabanayaa ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto,hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga iyo hogaamiyaal kale.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay in dalka uu u baahan yahay duco qaran.Ila iyo hadda kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyay ayaa dhan 7 qof iyadoona ay wali socdaan baaritaano kale.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in maanta dadweynaha Kenyaanka ah ay ku bilaabi doonaan baaritaano ka dhan ah caabuqaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here