DHAGEYSO:Macalimiintii laga soo wareejiyay Gobolka waqooyi bari oo ku adkaysanaya inaysan shaqadooda ku laaban doonin

Macalimiinta laga soo wareejiyay gobolka waqooyi bari ee dalka ayaa wali waxaa ay ku adkaysanayaan inaysan shaqadooda dib ugu laaban doonin ila iyo inta amnigooda laga xaqiijinaya.
Gudiga adeega macalimiinta ee dalka TSC ayaa kumanaan macalimiin ah ka soo qaaday ismamaulada gobolka waqooyi bari ka dib markii halkaas macalimiin lagu dilay.
Tani ayaa keentay inay hoos u dhacdo waxbarashada gobolka waqooyi waxaana soo wajahday macalimiin yari.
shalay ayay ahayd markii macaliinta ka soo tagay gobolka waqooyi bari ay dibadbax sameeyeen iyagoona wacad ku maray inay dib ugu laaban doonin ismaamulada waqooyi bari inta amnigooda la sugayo.

Xog’hayaha guud ee KNUT Wilson Sossion ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha gobolka waqooyi bari inay skuulada xiraan inta macalimiiin oo helayo skuulada Gobolkaas.
Waxaa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo arrintaan.
khamiistii ayay ahayd markii hogaamiyaasha gobolka waqooyi bari ay isugu yimaadaan kulan iyagoona caqabadaha ka taagan ismaamulada Gobolka waqooyi bari ay u bandhigeen xildhibaanada aqalka baarlamaanka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here