DHAGEYSO:Madaweynaha maamulka Jubaland oo ka hadlay arimo dhowr ah.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay jiraan caqabado uu maamulkiisu wajahayo ayadoo dhanka kalena lagu wado in deegaanada maamulka Jubaland ay dhawaan ka dhacdo doorashada madaxweynaha Baarlamaanka iyo gudoonka golaha wakiilada.
Axmed Madoobe wuxuu ku baaqay inay cidkasta doorkeeda qaadato sidoo kalena aysan jirin cid howlaheeda lagu fargaliyo si nidaam ay waxkasta ugu dhacaan isagoo dadka deegaanka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si ay ugu guulaystaan dhismaha maamulkooda iyo hormarinta deegaanadooda.

 

Dhawaan ayaa lagu wadaa in deegaanada maamulka Jubaland ay ka dhacdo doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha waxaana dhanka kale jira caqabado ay dhinacyada kala duwan ka sheegayanaan inay howlaha doorashadaasi ku gadaaman yihiin taasoo dadka qaar ay shaki ka qabaan inaysan doorashada Jubaland dhicin xiligii loogu tala galay wallow uusan maamulka arintaasi sheegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here