DHAGEYSO:Madaweyne Waare oo faahfaahiyay Sababta is casilaadiisa

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo waraysi bixiyay ayaa wuxuu kaga hadlay sababta uu isku Casilay,inuusan ka mid ahayn Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo inuusan ku qanacsanayn qaabka loo wajahay dhismaha Maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare oo dhawaan soo saaray warqad uu ka shaaciyay iscasilaadiisa ayaa sheegay inuu garwaaqsaday inuu Xilka Iska Casilo maadaama uu sheegay inay jiraan Daruufo badan oo ku gadaaman Hirshabeelle.
Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu gacan sayray Baaqyo iyo Talooyin uu soo jeediyay oo la xiriira dhismaha maamulka Hirshabeelle wuxuuna shaki ka muujiyay dhismaha Maamulka oo qaab deg deg ah lagu wado ayadoo dhanka kalena ay Saluug muujinayaan qaar ka mid ah beelaha dega deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle ee Maalmo ka hor Shaaciyay inuu Xilka iska Casilay ayaa ka hadlay sida uu u arko qaabka ay wax hada kaga socdaan Hirshabeelle gaar ahaan arrimaha doorashada wuxuuna Tilmaamay inay ula muuqato inaysan wadada saxda ah ku socon uuna horay u cod saday in dib loo dhigo si waxa la isla ogol yahay Hirshabeelle looga dhiso balse la dhagaysan waayay baaqiisa,isagoo hal sano u dhiman tahayna uu arimaha Hirshabeelle dartood uga Tanaasulay kursigiisa.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu Maanta gaaro Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle halkaasoo ay ka socdaan howlaha Doorashada maamulkaasi.
Wafdiga Sheekh Shariif ayaa sida la sheegay waxaa qeyb ka ah Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo uu kamid yahay Taliyihii hore ee Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Ujeedka safarka uu Magaalada Jowhar ku tagayo Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Axadii la soo dhaafay tegay Magaalada Jowhar, isagoo la kulmay Duubbaka Dhaqanka Hir-Shabeelle ee Baarlamaanka soo xulay iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle,wuxuuna ka dalbaday in la hakiyay howlaah doorashooyinka si dib u heshiisiin loogu furo beelaha degan degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.
Safarkaan uu Maanta ku tagayo Magaalada Jowhar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadayaa xilli Maanta lagu wado in halkaasi lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen ayadoo dhanka kale ay jiraan Tabashooyin badan oo ay qabaan qaar ka mid ah beelaha degan deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here