DHAGEYSO:Madax kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii Msambweni

Waxaa isa soo taraya tacsida ay dirayaan mas’uuliyiinta dalka ee ku aaddan geerida aroornimadii hore ee saaka ku timid xildhibaankii deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale , gobolka xeebta Suleimani Dori.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qoyska uu mudanaha ka baxay, asxaabtiisa iyo dhammaan shacabka deegaankaas u diray tacsi tiiraanyo leh sida lagu xusay qoraal ay soo saartay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo.
Mr. Kenyatta ayaa Dori ku tilmaamay siyaasi xaaladaha sida ku habboon u qiimeen jiray sido kalena ay ka go’aneyd u adeegidda dadweynaha Msambweni.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Ruto ayaa dhankiisa mudanaha geeriyooday ku sheegay inuu aad ugu dadaali jiray horumarinta nolosha shacabka soo doortay.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in Suleiman Dori lagu xusuusan doono inuu ka shaqeyn jiray sidii cid kasta ay u heli lahayd sinnaan iyo caddaalad.
Gerida xildhibaanka waxaa sido kale ka tacsiyeeyay madaxa garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga, barasaabka Mombasa Cali Xassan Joho iyo mas’uuliyiin kale.
Xisbiga ODM oo uu Suleiman Dori ka tirsanaa ayaa sheegay in 4-ta galabnimo ee maanta la aasi doono.
Meydkiisa ayaa dhawaan laga qaaday Mombasa waxaana lagu wadaa in la geeyo Kwale .
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka Aga khan laantiisa Mombasa halkaas oo toddobaadkii hore la dhigay in kastoo ila iyo hadda aan la shaacin xanuunka laga daaweynayay ee uu u dhintay.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu geeriyooday abaare 5-tii aroornimo ee saaka xilli uu ku jiray qeybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da.
Mr.Suleiman Dori ayay da’diisu ahayd 43 sano jir waxaana dhimashadiisa xaqiijiyay qoyskiisa iyo xildhibaanka deegaanka Kinango, Benjamin Tayari.
Qaar ka mid ah shacabka Mswambweni iyo eheladiisa ayaa geerida xildhibaanka ku timid kaddib dareenkooda sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here