DHAGEYSO:Madaxa Xukuumada Galmudug oo ku dawaaqay dagal ka dhan ah argagixisada.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug sh Maxamed Shaakir Cali Xasan sidoo kalena kamid ah hoggaanka sare Ahlusunna ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Sh Shaakir ayaa Xusay in dadka kaliya ee sida dhabta ah ula dagaalamay Al-Shabaab islamarkaana deegaanadooda ka saaray ay yihiin Ahlusunna welina ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ah kooxdaasi
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xusay inuu ka go’an yahay dhankooda dagaalka AL-shabaab looga saarayo guud ahaan dalka sidoo kalena dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay garab ku siiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here