DHAGEYSO:Madaxda Galmudug oo sheegay inay la heshiiyeen madaxweyne Xaaf

Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in tan iyo markii la doortey ay ku jireen sidii xal loogu heli lahaa kghilaafka ak jiray hogaanka maamulka iyo dadka diidan doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareb oo kala ahaa madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hoggaanka Ahlusunna.
Cali Daahir Ciid ku xigeenka Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in arrinta la xiriirta diidmadii ka timid hoggaanka Ahlusunna ay dhowr jeer fashilmeen wada hadallo ay ku doonayeen in xal lagu gaaro walow ugu dambeyn dagaal dhexmarey Ciidanka Dowladda & Ahlusunna ay sababtay in hoggaanka Ahlusunna ay sheegaan inay tanaasuleen.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Voa-da waxaa uu sheegay in wada-hadalo ay la yeesheen Madaweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf lagu dhameeyey khilaafkii kala dhaxeeyey.
Waxaa uu Tilmaamay in dhamaan la xaliyey tabashadii uu qabey Xaaf,sidoo kale dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono heshiiska Madaxda cusub ee Galmudug & Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Marka laga soo tago hadalkaan kasoo yeeray Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug ee ah inay ka heshiiyeen Xaaf majiro weli wax war ah oo dhankiisa kasoo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynihii hore ee Galmudug oo Heshiiskaan ku saabsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here