DHAGEYSO:Madaxda ismaamulada Kitui iyo Tana River oo weli loogu baaqayo inaynan soo celin xoolo halkaasi la geeyay

Waxaa isa soo taraya baaqyada ay jeedinayaan waxgaradka ismaamulka Garissa ee ku aaddan in dowladda ay ku dadaasho sidii abaarta awgeed xoolo loo raray dhanka Kitui iyo Tana River aan dib loogu soo celin lahayn.
Cismaan Cabdi Ibraahim ,guddoomiyaha guddiga nabad galiyada ee deegaanka Dadaab ayaa codkiisa ku biiriyay baaq horay uga soo yeeray guddoomiyaha guddiga suuqgeynta xoolaha nool ee la dhaqdo ee dalka Dubat Cali Cameey.

 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Dubat Cali Cameey uu sheegay inay ka war heleen in xoolo laga leeyahay Garissa oo daaqsin iyo biyo loogu raadiyay dhanka ismaamulada dariska la ah dib loo soo celinayo.
Sido kale madaxda dowlad deegaanada Garissa, Tana River iyo Kitui ayaa horay kulan ula qaatay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi waxayna ku heshiiyeen in lala yimaado tallaabooyin xal u noqon karo isku dhacyada xilliyada abaarta ku soo noqnoqdo xoola dhaqatada dhexdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here