DHAGEYSO:Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo Kulan ku yeeshay magaalada baydhabo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo wuxuu Maanta ka furey Shir looga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Maamulada Hir-Shabelele iyo Koonfur Galbeed.
Shirkaan oo ay Goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,wuxuuna Shirka kaalin weyn ka qaadan doona Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan Maxamed laftagareen ayaa madaxda Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka ay ku leeyihiin shirkaan,isagoo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.
Safiirada Midowga Yurub ee shirka ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay Maamul Goboleedyada ka caawiyaan wixii ku saabsan arrimaha Amniga iyo horumarka.
Shirkaan oo socon doona muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in geb-gabada laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadley ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ka hortegida fatahaada Wabiga Shabeelle.
Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunoow ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale shirkaan looga hadli doono sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub,oo ku saabsan kobcinta,dhaqaalaha iyo horumarinta labada maamul wuxuuna socon doonaa hal Maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here