DHAGEYSO:Madaxda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Jamhuuriyada Turkiga.

Waxaa Xarunta Safaaradda dowladaTurkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee Shalay lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta qaranka Turkiga oo sanad walba Hal mar la qabto waxaana ka qayb galay masuuliyiin kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay xuska maalinka qaranka Turkiga ee Muqdisho lagu qabtay.
Ugu horeyn safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa Tilmaamay muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka iyo dalweynaha Turkiga.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Turkiga iyo dowladooda u diray hambalyo ku aadan maalinta Qaranka ee Dalkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhankiisa Hambalyo u diray Dowlada Turkiga ayaa aad uga hadlay xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Soomaaliya sidoo kale muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka Turkiga.
Isagoo ku hadlayay magaca Madaxweynaha Soomaaliya,Kan Shacabka iyo kiisaba ayuu Hambalyo diray dadka iyo dowlada Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here