DHAGEYSO:Madaxda ugu Saraysa dalka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada 1 luulyo

Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ka socda Maamuuska 60 guurada ka soo gareegtay Xornimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya,Gudoomiyaha Baarlamaanka,
Ra’isulwasaare ku xigeenka, Wasiiro,Xildhibaano,diblomaasiyiin, iyo Shacab fara badan ayaa Maanta ka qayb galay Munaasabada 1 Luulyo oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya oo ka mid ah xarumaha lagu dhisay Barnaamijka Isxilqaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay wuxuuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed,Xukuumada,Maamulka Gobolka iyo dowladaha Soomaaliya ku garab siiyay dhismaha xarumaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin Tiyaatarka,Stadium Muqdisho iyo Xarumo kale oo dowladeed.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka inay bixiyaan canshuurta si dalka loo dhiso Soomaaliyana ay isku kalsoonaato.
Madaxweynaha aayaa hoosta ka xariiqay inay dowladuna cadaalad Samayso si loos oo celiyo sharafka umada Soomaaliyeed amaanka loo sugo argagixisadana looga adkaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here