DHAGEYSO:Madaxeyne Uhuru kenyaatta oo sheegay in waxbarashada dalka Go,aan laga soo saari doono

Waxaa dhawaan lagu wadaa in waxbarashada dalka go,an kama dambeys ah laga soo saaro sida uu maanta ka dhawaajiyay madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof George Magoha oo kulan la yeelan doono bahda ay khuseyso waxbarashada dalka isagoona go,aan u soo saari doono waalidiinta iyo ardayda sugaysa in xarumaha waxbarashada dib loo furo.
Mr kenyaatta ayaa carabka ku dhuftay inay ka wada hadleen waqtiga rasmiga ah ee skuulada dib loo furi karo taas oo laga badali karo waqtigii horay loogu asteeyay in waxbarashada dalka dib loo furo bisha koowaad ee sanadka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here